Bilowgii 38:28-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Oo waxay noqotay, in markii ay foolatay uu midkood gacan soo bixiyey; markaasay umulisadii qaadatay dun guduudan oo ay gacantiisii ku xidhay, oo waxay tidhi, Kanaa soo hor baxay.

29. Oo waxay noqotay, markuu gacanta dib u ceshaday, inuu walaalkiis soo baxay; oo iyana waxay tidhi, De maxaad u soo dustay? Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Feres.

30. Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, kii ay dunta guduudanu gacanta ugu xidhnayd; magiciisiina waxaa loo bixiyey Serax.

Bilowgii 38