Bilowgii 37:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Yacquubna wuxuu degay dhulkii aabbihiis qariibka ku ahaan jiray, oo ahaa dalkii Kancaan.

2. Kuwanuna waa farcankii Yacquub. Yuusuf, isagoo jira toddoba iyo toban sannadood, ayuu idaha la daajinayay walaalihiis, wuxuuna ahaa wiil la jooga wiilashii Bilhah iyo Silfah oo ahaa naagihii aabbihiis. Markaasuu Yuusuf xaggooda war xun uga keenay aabbahood.

3. Israa'iilna Yuusuf wuu ka jeclaa carruurtiisa oo dhan, maxaa yeelay, wuxuu ahaa inankuu dhalay markuu gaboobay; oo wuxuuna u sameeyey shulug midabyo badan leh.

4. Markaasaa walaalihiis arkeen in aabbahood ka jecel yahay isaga walaalihiis oo dhan; kolkaasay nebcaadeen isagii, wayna kari waayeen inay isaga si nabad ah ula hadlaan.

5. Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.

6. Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.

7. Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii.

Bilowgii 37