1. Oo Rabbigu Saarah wuu soo booqday siduu yidhi, oo Rabbigu wuxuu Saarah u yeelay siduu kula hadlay.
2. Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.
3. Oo Ibraahim wuxuu wiilkiisii u dhashay, oo Saarah u dhashay isaga, u bixiyey Isxaaq.
4. Oo Ibraahim baa guday wiilkiisii Isxaaq markuu siddeed maalmood jiray, sidii Ilaah ku amray isaga.
5. Oo Ibraahimna wuxuu jiray boqol sannadood, markii wiilkiisii Isxaaq u dhashay isaga.
6. Saarahna waxay tidhi, Ilaah waa iga qosliyey, qof kasta oo maqlaana waa ila qosli doonaa.
7. Oo waxay tidhi, Yaa Ibraahim ku odhan lahaa, Saarah carruur bay nuujin doontaa? Waayo, wiil baan u dhalay isaga oo da' weyn.
8. Wiilkiina wuu koray, naaskiina waa laga gudhiyey. Ibraahimna diyaafad weyn buu sameeyey maalintii Isxaaq naaska laga gudhiyey.
9. Saarahna waxay aragtay wiilkii ay Haagaar tii Masriyadda ahayd Ibraahim u dhashay oo ku cayaaraya.
10. Sidaas daraaddeed waxay Ibraahim ku tidhi, Eri addoontan iyo wiilkeedaba: maxaa yeelay, wiilka addoontanu wax la dhaxli maayo wiilkayga Isxaaq ah.
11. Waxaasuna Ibraahim aad buu ula xumaa xagga wiilkiisa.