Bilowgii 1:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.

2. Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha.

3. Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday.

4. Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii.

5. Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, isla maalin ah.

Bilowgii 1