Baxniintii 6:18-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Reer Qohaadna waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. Oo Qohaad cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo saddex iyo soddon sannadood.

19. Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen.

20. Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.

21. Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii.

22. Reer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii.

Baxniintii 6