1. Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.
2. Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.
3. Markaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay.
4. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay ul gacantiisa ku jirta.
5. Sidaas yeel inay ku rumaystaan inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub.
6. Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.
7. Markaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar. Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg, waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale.