7. Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
8. Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.
9. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.
10. Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.