Baroorashadii Yeremyaah 3:53-58 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

53. Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.

54. Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.

55. Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.

56. Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

57. Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.

58. Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.

Baroorashadii Yeremyaah 3