Baroorashadii Yeremyaah 3:41-47 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

41. Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.

42. Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.

43. Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

44. Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.

45. Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

46. Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

47. Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.

Baroorashadii Yeremyaah 3