Ayuub 39:4-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.

5. Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?

6. Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.

7. Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.

8. Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.

9. Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?

10. Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?

11. Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?

Ayuub 39