Ayuub 31:36-40 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

36. Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.

37. Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.

38. Haddii dalkaygu uu iga qayliyo, Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan,

39. Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay, Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan,

40. Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo, Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo. Ayuub erayadiisii way dhammaadeen.

Ayuub 31