Ayuub 29:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,

2. Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore, Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,

3. Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay, Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,

4. Markii aan xoog lahaan jiray, Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,

5. Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray, Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,

Ayuub 29