Ayuub 20:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,

2. Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda, Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.

3. Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.

4. Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

5. Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?

6. In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,

7. Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?

Ayuub 20