1. Gacaliyayaalow, tanu waa warqaddii labaad oo aan idiin soo qoray, oo labadoodaba waxaan maankiinna daacadda ah ku guubaabinayaa xusuusin,
2. inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen.
3. Marka hore waxaad og tihiin in maalmaha ugu dambeeya kuwa majaajiloodaa ay la iman doonaan majaajilo iyagoo damacyadooda daba socda,
4. oo waxay odhan doonaan, Ballankii imaatinkiisii meeh? Waayo, haatan iyo maalintii awowayaashii ay dhinteen wax waluba waxay u socdaan sidii ay ahaayeen tan iyo bilowgii abuurniinta.
5. Waayo, iyagu kaas bay u illoobaan in waagii hore samooyin jireen iyo dhul erayga Ilaah biyo lagaga dhex abuuray,
6. kuwaas oo dunidii waagaas jirtay ay ku baabba'day iyadoo daad qaaday.