1. Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto.
2. Weliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro.
3. Waayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa, oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay
4. magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise,
5. waa inaad kaasoo kale Shayddaanka u dhiibtaan in jidhku baabba'o, ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga.