1 Korintos 15:4-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay.

5. Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii.

6. Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay.

7. Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan.

8. Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday.

9. Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray.

1 Korintos 15