1 Korintos 12:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada.

2. Waad og tihiin in, markaad dad aan Ilaah aaminin ahaan jirteen, laydin geeyn jiray sanamyada aan hadli karin, si laydinku geeyn jirayba.

3. Sidaa daraaddeed waxaan idin ogeysiinayaa inaan nin Ruuxa Ilaah ku hadlaa odhanaynin, Ciise waa inkaaran yahay, oo aan ninna odhan karin, Ciise waa Rabbi, inuu Ruuxa Quduuska ah ku hadlo mooyaane.

4. Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux.

5. Waxaana jira adeegid kala cayn ah, waana isku Rabbi.

6. Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya.

7. Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar.

8. Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo.

9. Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya.

10. Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.

11. Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.

1 Korintos 12